1083 Views

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 07, -2019 —Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, iyada soo suweyn loo soo dhaweeyey.

 

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay tagaan Magalada baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga  ayaa waxaa ay Baydhabo uga qeyb geli doonaan furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed,iyagoo sidoo kalena kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sareysa maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.

 

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga ayaa hadda ka socda Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo’ iyadoo amniga magaalada si weyn loo adkeeyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment