1614 Views

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga oo Muqdisho soo gaaray

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga oo Muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 11, 2019 –Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda fedaraalka ah ee Soomaaliya Eng Cabdulahi Cali Xasan ee uu dhawaan magacaabay Raisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre.

 

Munaasabadda lagu soo dhaweynayay wasiirka oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxa kaqayb galay xildhibaano,wasiiro, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah bulshada .

 

 

Ugu horeyn munaasabadda soo dhawaynta ah ayaa waxaa ka hadlay xildhibaanada iyo wasiiradii kaqayb galay munaasabadda iyagoona sheegay in wasiirka laga doonayo in uu dardar galiyo howlaha horyaala ee wasaaradda ganacsiga .

 

Eng Cabdullahi Cali Xasan Wasiirka Cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu u mahadceliyay madaxda iyo shacabkii sida wanaagsan usoo dhaweeyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment