3546 Views

Dowlada Kenya oo loogu baaqay inay qaxootiga siiyaan xorriyad ay ku ganacsadaan

Dowlada Kenya oo loogu baaqay inay qaxootiga siiyaan xorriyad ay ku ganacsadaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 21, 2018 – Ergayga Gaarka ee Hay’adda UNHCR ugu qaabilsan Xaalladda Qaxootiga Soomaalida, Ambassador Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay inay QM ka codsanayso Dowladda Kenya inay Qaxootiga siiyaan Xorriyadda ay ku dhaqdhaaqaan si ay Ganacsi uga dhex sameeyaan dalkaasi

Isagoo ka hadlayey Munaasabadda Maalinta Qaxootiga Adduunka oo shalay lagu qabtay Nairobi, waxa uu tilmaamay iny Xorriyaddaas xoojin doonto Awoodda shaqo ee Qaxootiga Magangelyo-doonka ah, kana macaashi karaan haddii loo ballan qaado Xorriyadaasi.

Dhinaca kale, Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR waxay shaacisay Tirada Guud ee Qaxootiga Soomaalida ee ku sugnaa Xeradda Dhadhaab ee dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo.

Tiro-koobka waxaa lagu muujiyey inay  ugu yaraan 254,811 Qaxooti ah si iskooda ah ugu soo laabteen Somalia tan iyo sannadkii 2013-kii.

Qorshaha Dib-u-celinta Qaxootiga iskooda ugu soo laabanayo Somalia waxaa la bilaabay, kadib, markii ay Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR kala saxiixdeen Heshiis saddex geesood ah sannadkii 2013-kii.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment