1176 Views

Maamulka Marka oo sheegay inay awood ku furi doonaan waddo 7 sano u go’doonsan Al-Shabaab

Maamulka Marka oo sheegay inay awood ku furi doonaan waddo 7 sano u go’doonsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Maamulka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay inay qorsheeynayaan inay isku furaan wadada xiriirisa degmada lambar Konton iyo degaanka Ceel-Wareegoow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo u go’doonsan ALl-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow oo Warbaahinta kula hadlay Wadada Ceel-Wareegoow oo Ciidamada ammaanka ay howlgal ka sameeyeen ayaa sheegay in wadada xiriirisa degmada lambar Konton iyo degaanka Ceel-Wareegoow ay muddo 7 Sano ah u go’doonsan tahay Al-Shabaab, isla markaana taasi ay tahay dhibaato heysata bulshada.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay inay awoodooda ku  furaan wadadaas kana saaraan Ururka Al-Shabaab , waxaana uu sheegay in wadooyinka qaar ee Gobolka u xiran yihiin arrimo siyaasadeed.

Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal amni darro, waxaana jira wadooyin u go’doonsan Al-Shabaab oo aysan marin mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post