747 Views

Amb, Daahir Geelle” Laba sano ka hor ayaan dowladda Farmaajo ka diiday in mucaaradka aan ku tilmaamo…

Amb, Daahir Geelle” Laba sano ka hor ayaan dowladda Farmaajo ka diiday in mucaaradka aan ku tilmaamo…
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November16, 2020 –
Musharax Madaxweyne Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaayinta Soomaaliya Amb Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay mar waliba si aan wanaagsaneyn ula dhaqanto Siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Amb, Daahir Geelle ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in markii uu ahaa Wasiirka Warfaafinta taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo ula yimaadeen in siyaasiyiinta mucaaradka uu ku tilmaamo kuwo xanaaqsan uuna kadiiday, balse haatan farriintaas iyo mid ka xun ay u dhiibeen Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Dubbe.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Amb Daahir Geelle

Laba (2) sano kahor, Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa mucaaradka ku sifeeyay “siyaasiyiinta xanaaqsan”. Anigoo wasiirka warfaafinta ah ayaa taageerayaashiisu iigu yimaaddeen inaan hadalkaas faafiyo. Waan ka diiday. Hadda, wasiirka cusub ee warfaafinta, Mudane Cismaan Dubbe, ayaa loo soo dhiibay nuqulkii labaad, wuxuuna hadalkiisii ugu horreeyay ee uu fagaare ka yiraahdo ku sifeeyay mucaaradka siyaasiyiin waalan. Tolow, nuqulka saddexaad muxuu noqon doonaa, yaase loo soo dhiibi doonaa?! Udub dhexaadka madaxweynenimadu waa dhaqan iyo dhawaq suubban. وقولوا للناس حسنا


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post