603 Views

Shil Sababay Khasaaro Dhimasho iyo Dhawac leh oo ka dhacay Gabileey.

Shil Sababay Khasaaro Dhimasho iyo Dhawac leh oo ka dhacay Gabileey.
____________________________________________________________________________


Isniin: February 14, 2022

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday halka laba 7 kalana ay soo gaareen Dhaawacyo xoogan, kadib markii uu shil gaari ka dhacay inta u dhaxeysa Gabiley iyo Arabsiy, oo ka tirsan Somaliland.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Sedex gaari taa oo sababtay Dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 7 kale.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka wadooyinka Somaliland ayaa gaaray Goobta, iyagona uga warbixiyey Warbaahinta Sida ay wax u dhaceen, waxa ayna xaqiijiyeey Dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 7 kale.

Ciidamada amaanka wadooyinka iyo dad shac ah oo goobta soo gaaray ayaa sidoo kale qaaday dhaawac 7 ruux iyo meeydka hal ruux, iyagoona geeyay Goobaha Caafimaadka dadweynaha.

Inta badan Shilalka nucaan oo kale ah ayaa ka dhacay degaanada Somaliland, Waxaana ay shegeen Ciidamada Amaanka wadooyinka in Celcelis ahaan Sanadkii ay ku dhintaan in kabadan kun qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post