57 Views

Hay’adda duulista Soomaaliyeed: Waxba iskama beddelin maamulka hawada

Hay’adda duulista Soomaaliyeed: Waxba iskama beddelin maamulka hawada
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in aanay waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay hay’addu dhigtay barteeda Facebook.

Hay’ada ayaa sheegtay in dawladda federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay maamulka hawada Soomaaliya.

“Diyaaradaha mara hawada dalkeena waxay helaan mid ka mid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya dunida,” ayey qoraalkaas ku sheegtay hay’addu.

Arrintan ayaa imanaysa saacado kadib markii mas’uuliyiinta duulista hawada ee Somaliland ay ku eedeeyeen dawladda federaalka Soomaaliya inay ku xadgudubtay maamulka hawada, isla markaana ay iyaga mas’uul ka noqon doonaan wixii carqalad ah ee ku yimaada.

Somaliland ayaa ku eedeeysay Soomaaliya inay ka baxday heshiisyadii hore loo gaaray ee maamulka hawada.

,

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post