303 Views

Ciidanka Xoogga oo qaraxyo ku soo qabtay howgal ay ka sameeyeen Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga oo qaraxyo ku soo qabtay howgal ay ka sameeyeen Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 13, 2022

Ciidanka Kumaandooska Xds ee Gor Gor gaar ahaan Ururka 8-Aad ee XDS ayaa Howlgal miino baaris ah ka sameeyay Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhexeeysa Magaalooyinka Beladweyne iyo Buulo-buede.

Ciidanka ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay wadooyinka isku xira degaanada kala ah Ceel lahelay, Aafar Irdoodka, Ceelow cusub, Xujuub, iyo Waddooyinka gala Magaalada Beledweyne gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen inay soo saaraan Miinooyinkii lagu aasay wadada dhinaceeda, iyaga oo qarxiyay.

Taliyaha ururka 8-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor, Dhamme Maxamed Xirsi ayaa sheegay Miinooyinka ay wadada ku aaseen Al-shababaab, isla markaasna ay ka saareen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post