759 Views

Wararkii ugu dambeeyay Wufuud kala duwan oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Wararkii ugu dambeeyay Wufuud kala duwan oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-16-2020–Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa kusii qul qulaya wufuud kala duwan, kuwaas oo halkaasi uga qeyb-geli doona Shirka Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada dalka kajira.

Shalay waxaa Dhuusamareeb gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed & Hir-Shabeelle,waxana ajira wufuud kale oo maanta halkaais tegaya.

Xubnaha ka maqan Dhuusamareeb ee laga sugayo ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku maqan dalka Jabuuti kaas oo la filayo in uu Maanta kasoo laabto iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirka Magaalada Dhuusamareeb oo ah wajiga Saddexaad ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin Amniga, Dhaqaalaha,waxaana ugu muhiimsan in arrimaha doorashooyinka oo qorsuhu yahay in Shirka laga soosaaro nooc doorasho oo la isku raacsan yahay.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku sugan ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ka kala socda dalalka Jabuuti iyo Itooiya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post