567 Views

Gaska Raashinka lagu karsado ee Safe Gas oo qaali ka Noday Dalka Kenya maadaama laga keeni jiray dalka Ruushka

Gaska Raashinka lagu karsado ee Safe Gas oo qaali ka Noday Dalka Kenya maadaama laga keeni jiray dalka Ruushka
____________________________________________________________________________


Isniin: February 28, 2022

Wararka ka imaanaya Dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Qiimaha lagu kala iibsado Gaaska Raashinka lagu karsado ee Safe Gaska uu sare u kacay.

Qiimo kororkaan ayaa imaaday kadib  markii uu dagaal ka dhex Qarxay dalka Ruushka iyo Ukrain maadaama gaaskaan laga keeni jiray intiisa badan dalka Ruushka.

Gaska ayaa ahaa 2000 shilin oo Kenya ah  oo u dhiganta lacag dhan 20 dolar halka uu saacadihii la soo dhaafay uu gaaray 27 dolar mar kaliya waxaa ku korortay 7 dolar.

Sidoo kale qiimo kororkaan ayaa imaanaya xili maalintii shanaad uu ka socdo dagaal Dalalkaas, waxayna cadyn tani u tahay in Dalka Ruushka  uu ahaa Dalka ugu wayn ee soo saari jiray Safe Gas lagu isticmaalo karinta Raashinka iyo arimo kale.

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post