1350 Views

SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo & Mas’uuliyiin kale oo hal goob ku wada dukaday Salaada Ciida

SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo & Mas’uuliyiin kale oo hal goob ku wada dukaday Salaada Ciida
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 11, 2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo Maanta ku tukaday Masjidka Shuhadada Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iscaawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment