1011 Views

Rudy Giuliani oo baaritaan lagu billaabay

Rudy Giuliani oo baaritaan lagu billaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 15, 2019–Dacwad oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa furay baaritaan lagu sameynayo Rudy Giuliani, oo ah qareen shakhsiga ee madaxweyne Donald Trump, waxaa sidaas werisay warbaahinta Bloomberg.

 

Dacwad oogayaasha ayaa baaraya suurta-galnimada ah in Giuliani uu sameeyey xadgudubyo maaliyadeed iyo inuu ku guul-darreystay inuu isku diiwaan geliyo inuu yahay wakiil shisheeye.

Giuliani oo ah duqii hore ee magaalada New York ayaa ah shakhsi muhiim u ah baaritaanka xil ka-xayuubinta ee lagu samaynayo madaxweyne Donald Trump.

 

Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa baaraya in Giuliani uu kaalin ku lahaa ku cadaadinta madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky inuu baaro kuwa kasoo horjeeda Trump.

 

Mimi Rocah, oo horey u ahayd dacwad oogaha federalak Mareykanka ee degmada Koonfureed ee New York, ayaa Bloomberg u sheegaty inay la yaabi doonin in Giuliani si rasmi ah dacwad loogu soo oogo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment