1272 Views

Nin Muslim Ah Oo Lagu Dilay Sri Lanka Iyo Weerar Loo Geystay Masjid

Nin Muslim Ah Oo Lagu Dilay Sri Lanka Iyo Weerar Loo Geystay Masjid
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 14, 2019–Boliska dalkaasi waxay sheegeen inay koox burcad ah ay Nin Muslim ah ku dileen Degmadda Puttalam.

Marxuumka oo 45 jir ahaa ayaa la sheegay in lagu dhuftay hub mudac leh, wuxuuna ku geeriyooday Isbitaalka.

Burcadda waxay kaloo dab qabadsiiyeen ugu yaraan 3 Dukaan oo ay Dad Muslimiin ah ku lahaayeen Degmadda Hettipola, waxay kaloo Burcadda dhac iyo burbur u geysteen Masjidka Abraar oo ku yaalla Degmadda Kiniyama ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Dowladda Sri Lanka waxay soo rogtay bandow habeenimo, waxaana la xiray Baraha Bulshadda, kadib, markii ay Burcadda Kirishtaanka weerareen Masaajid iyo goobo ganacsi oo ay dadka Muslimiinta ku leeyihiin Gobalka W/galbeed ee dalkaasi.

Bishii la soo dhaafay ee April 21-dii waxaa weeraro Is-qarxin ah lala beegsaday Kaniisado ku yaalla dalkaasi, iyado oay ku geeriyoodeen in ka badan 250-qof, halka 500 oo kale lagu dhaawacay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment