1023 Views

Madaxweyne Afrikaan ah oo loo haysto dil uu geystay

Madaxweyne Afrikaan ah oo loo haysto dil uu geystay
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 5, 2022

Mas’uuliyiinta Guinea ayaa sheegay in ay dacwad ku soo oogi doonaan madaxweynihii hore ee wadankaas Alpha Conde taas oo ku saabsan dil uu geystay iyo dambiyo kale oo uu galay intii uu xafiiska joogay.

Conde oo 84 jir ah ayaa afgambi milatai xilka looga tuuray bishii September ee la soo soo dhaafay.

Xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay in uu ka mid yahay masuuliyiin sarsare ah oo horey looga gudbiyay dacwado la xiriira dambiyo ay galeen oo ay ka mid yihiin xabsi, afduub, ciqaab iyo kufsi.

Gudaha Guinea tobanaan roox oo ah taageerayaasha xubnaha mucaaradka ayaa waxaa dilay ciidamada amniga intii lagu guda jiray bananabaxyo looga soo horjeeday badal lagu sameeynayay qodob dastuuri ah kaas oo u ogolaanayay Alpha Conde in uu mar sadexaad u tartamo xilka madaxweynenimada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post