1950 Views

Muqdisho Oo Wajaheysa Nadaam Cusub Oo Degmooyinka Gobalka Aan La Iskugu Gudbi Karin.

Muqdisho Oo Wajaheysa Nadaam Cusub Oo Degmooyinka Gobalka Aan La Iskugu Gudbi Karin.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 03, 2018  –Wxixii ka dambeyay 23-Febaraayo ee Sanadkaan 2018 oo dabley hubeysan oo ka tirsan Al-shabab ay weerar ku qaadeen Madaxtooyada Somaliya iyo Hotelka Doorbin kuna yaala Isgoska Jubba waxaa aad u xoogeystay Su”aalaha laga keenayay Amaanka Muqdisho iyada oo markii dambana ay iska wareysteen Ra”isulwasaaraha iyo saraakiisha Amniga.

Qorshahaan cusub waakii ugu horeyay ee noociisa ah oo adib laga sameeyo magaalada Muqdisho ama guud ahaanba Soomalia,Waxaana tani ay ka dambeysay markii ay kor dheen falalka amni daro ee ka dhacaya Gobalka Banaadir.

Waxa ay u”egtahaya Istaraatiijiyayd cusub oo ay la yimaadeen Hay”adaha Amniga si loo yareeyo weerarada iyo qaraxyada ka kaca Dalka,Waxaana Wadooyinka waaweyn ee magaalada ayaa la dhigay ciidamo dheeraad ah.

Cabashada ugu badani waxa ay ka imanaysa gaadiidlayda oo sheegaya in la soo koobay meelaha ay gaarikaraan,Gaadiidka ay raacaan dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay ayaa la xadiday dhaq-dhaqaaqooda.

Waxaa la ogolyahay kaliya in aad ka baxdo magaalada hase,marka aad ka timaadi cirifyada Muqdisho waxaa lagugu celinayaa meel ka baxsan magaalada,arintaan ayaa noqotay mid ay dadku si weyn u hadal hayaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment