1014 Views

Dowladda oo sheegtay inay la wareegtay degaanka Janaale

Dowladda oo sheegtay inay la wareegtay degaanka Janaale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isiin  , March 16, 2020 —Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee DANAB iyo gor-gor ayaa Al-Shabaab kala wareegay degaanka Janaale oo hoosyimaada degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose kaasi oo muddo ka badan 10 Sano ay ku sugnaayeen.

 

24-kii Saac ee la soo dhaafay ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen deegaannada ku dhow dhow degaanka Janeele,hayeeshee Saraakiil Ciidan ay sheegeen inay ugu dambeyn la wareegeen.

 

 

 

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Millateriga ayaa u sheegay Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida in Ciidanka dowladda ay Gudaha u galeen degaanka Janaale,kadib markii ay isaga baxeen Ciidanka Dowladda,isla markaana ay ka wadaan baaritaano amniga la xiriira.

 

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Al-Shababa ay goobaha qaar ku aaseen miinooyin,hayeeshee howlgallo ay sameeyeen ay ku soo saareen miinooyinkaas.

 

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee xoogga dalka Cabdi xamiid Maxamed Dirir ayaa ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,iyada oo la filayo in uu booqdo deganka Janaale oo lagala wareegay Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment