957 Views

Madaxweynaha Jubbaland” Ma jiro habayaraatee Farqi u dhaxeeya dowladda iyo Al-Shabaab”

Madaxweynaha Jubbaland” Ma jiro habayaraatee Farqi u dhaxeeya dowladda iyo Al-Shabaab”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Sabti , March 7 , 2020 —Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay meesha ka saartay hanaanka Sharciga ahaa ee lagu soo dhisay dowladda Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab Cidii kasoo horjeedda ay ka saaraan diinta Islaamka sidoo kalena dowladda dhexe ee Soomaaliya ay go’aansatay dad ka aragtida duwan in ay ka saaraan Soomaalinimada.

 

 

 

” Dowlada iyo Alshabaab waa isku mid, Ma jiro habayaraatee Farqi u dhaxeeya dowladda iyo Al-Shabaab” ayuu yiri Axmed Madoobe.

 

Waxaa uu sheegay in marnaba aysan jirin wax farqi ah oo u dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab, maadaama ay joojiyeen dagaalka Al-Shabaab.

 

Waxaa uu caddeeyay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay weerar kusoo qaaday dhammaan maamul goboleedyadda dalka jira, islamarkaana dhibaatooyin badan loo geystay.

 

Waxaa uu xusay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay u soo bandhigtay in uu lacag qaato oo uu ka taggo xilka Madaxweynaha Jubbaland,laakiin uu ka biyo diiday.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment