1155 Views

Dowlada Soomaaliya oo caawa ciidamo gaaraya boqolaal askari soo dhoobtay qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Muqdisho,

Dowlada Soomaaliya oo  caawa ciidamo gaaraya boqolaal askari soo dhoobtay qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Muqdisho,
____________________________________________________________________________

Feb: 18/2/2021

Dowlada Soomaaliya ayaa caawa ciidamo gaaraya boqolaal askari soo dhoobtay qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Muqdisho, iyadoo xaalada magaaladu ay kacsan tahay.

Ciidamadan oo u badan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa ku hubeysan gaadiid dagaal iyo qalab kale oo culus.

Meelaha la dhigay ciidamadan ayaa waxaa a mid ah nawaaxiga Isgoyska Km4, agagaarka Villa Somalia, wadooyinka soo gala taalada daljirka Dahsoon iyo meelo kale oo ka tirsan magaalada.

Gaadiidka shacabka ee magaalada dhex socda ayaa caawa aad u yaraaday , iyadoo inta badan goobaha ganacsiga xili hore la xiray, inkastoo meelaha qaar ay furan yihiin

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post