3993 Views

Waare oo gaaray Beledweyne

Waare oo gaaray Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 3, 2016 –  Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Beledweyne, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Waare oo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka ayaanan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysa inay gaaraan magaalada Beledweyne.

Wariyaha Idaacadda Risaala ee magaaladaasi ayaa waxa uu soo sheegayaa in Madaxweyne Waare iyo xubnihii la socday loo galbiyay xarunta UN-ka uu ku leeyahay degaanka Ceel Jaalle, islamarkaana aanu gudaha u gelin magaalada.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegeen Madaxweyne in xarunta UN-ka ee magaalada Beledweyne uu kula kulmay saraakiil ka kala tirsan Qaramada Midoobay iyo Ciidanka Jabuuti.

Dadka siyaasadda falanqeeya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegeen in Waare uu saraakiisha Jabuuti kala hadlayo arrintii dowladda Jabuuti ay ka carootay ee ku aadanaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu dalbaday cunaqabteynta in laga qaado dowladda Eritrea.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment