1332 Views

Golaha Iskaashiga Khaliijka oo soo dhaweeyay Go’aankii Soomaaliya & Kenya

Golaha Iskaashiga Khaliijka oo soo dhaweeyay Go’aankii Soomaaliya & Kenya
____________________________________________________________________________

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga ee Wadamada Carabta ee Khaliijka, Dr. Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf, ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqida Dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya iyo  Kenya ee ah in dib loo bilaabo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyey labada dowladood.

Dr. Nayef Falah  ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay tallaabadani,  waxaana uu sheegay inay wanaag iyo barwaaqo u horseedi doonto shucuubta labada dal, laguna gaari doono nabadgelyo iyo xasillooni dhexdooda ah.

Wuxuu bogaadiyay dadaalka iyo dhexdhexaadinta Dowladda Qatar ay ka dhex wado Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya iyadoo la isku xirayo aragtida iyo dhisidda  ujeedooyinka xiriirka labada dal, taas oo sare u qaadi doonta amniga caalamiga, xasilloonida iyo nabadda.

Dalal badan oo Afrika iyo Carabta kamid ah ayaa siweyn u soo dhaweeyay in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay dib u soo ceshadeen xiriirka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post