822 Views

Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho labo maalmood uu ku tagay Addis Ababa

Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho labo maalmood uu ku tagay  Addis Ababa
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 6, 2021

Wararka ka imaanaya Garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in saakay uu ka soo dagay garoonkaas Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu magaalada Addis Ababa kaga qayb galay caleemasaarka Xukuumadda Cusub ee Dowladda Itoobiya.

farmaajo  ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo uu ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa.

sidoo kale  farmaajo waxa uu shir doceedyo la qaatay madaxdii ka qayb gashay Caleemasaarka oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni .


 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post