1362 Views

Musharax Daahir Geelle” Hoggaan waxaan ka aaminsanahay masaalixda ummadda ee kala gaddisan hannaan la isugu keeni karo”

Musharax Daahir Geelle” Hoggaan waxaan ka aaminsanahay masaalixda ummadda ee kala gaddisan hannaan la isugu keeni karo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 17da Maarso, 2021Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed ay u baahan tahay hogaamiye aan la kala safan ee ka shaqeeya isku keenida bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Musharax Daahir Geelle ayaa tilmaamay in loo baahan yahay hoggaamiye umada Soomaaliyeed masaalixdeeda iska soo horjeeddo Mideyn kara waxana uu xusay loo baahan yahay  hoggaan garan kara in uu kala hago oo kala gooreeyo kalana goobeeyo oo marba mid uu daayo oo kala socodsiiyo.

Qoraal uu soo saaray oo uu kaga hadlay Mashquulka ka jira Wadooyinka ayuu ku dabaqay dhibaatooyinka Siyaasada Soomaaliya maanta ka taagan.

Gaadiidku marka ay isugu yimaadaan meelaha ay ku kala wareegaan ee jaamka uu dhaco, micnaheedu ma aha in dadka gaadiidkaas wada ay xiisaynayaan in ay shilal galaan oo ay is dilaan. Kaliya waxa meesha ka maqan waa hoggaan taraafik oo hagaagsan oo gaadiidkaas kala hago oo masaalixda dadkaas kala leexiyo.

Jaamka siyaasadda meelo badan ayuu arrintaas ka shabbahaa, ummadda marka ay jaam siyaasadeed gasho oo ay masaalixdeeda iska soo horjeeddo, waxa ay u baahan tahay waa hoggaan garan kara in uu kala hago oo kala gooreeyo kalana goobeeyo oo marba mid uu daayo oo kala socodsiiyo.

Haddii aan usii dhawaado, Soomaaliya manta waxay u baahan tahay ma aha cid la kala safato ama cid cadaadiso ama cid warbixin waa heshiin la’yihiin ah ka keento ee waxay u baahan yihiin hoggaan u kala maareeyo masaalixda kala gadgaddisan ee ay leeyihiin.

HOGGAAN, waxaan ka aaminsanahay masaalixda ummadda ee kala gaddisan hannaan la isugu keeni karo oo lagu wada wadi karo, iyada oo loo kala leexinaayo goobta iyo goorta, lana wada meel marinaayo. Dakeennu geeddi ma rabaan, kala guur ma rabaan, is dil ma rabaan, quusasho ma rabaan, niyadjab ma rabaan ee wadajoog iyo danahooda oo loo kala maareeyo ayay rabaan, DOWLADNIMADUNA WAA SIDAAS.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post