726 Views

Ciidamada Puntland oo maalintii saddexaad hawlgal ka dhan ah Daacish ka wada Gobolka Bari.

Ciidamada Puntland oo  maalintii saddexaad hawlgal ka dhan ah Daacish ka wada  Gobolka Bari.
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10 2021

Ciidamada difaaca dowladda Puntland, ayaa maalintii saddexaad hawlgal culus oo ka dhan ah Daacish waxay ka wadaan buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Hawgalkan oo Khamiistii bilowday, ayaa xooggiisu ka socdaa buuraleyda Dhabancado, Hul-caanood iyo Togga Il-Cameyra oo ka tirsan Calmiskaad, halkaas oo dhufays u ahayd kooxda Daacish.

Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay in dhammaan degaannadaas laga qabsaday kooxda Daacish, islamarkaana laga dilay xubno badan halka qaar kalena maxaabiis ahaan looga qabtay.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad fara badan oo kayd u ahaa Daacish kadib markii laga qabsaday saldhigyo kala duwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post