624 Views

Ruush oo ka digay in Moscow ay soo faragalin karto si ay u caawiso dadka ku hadla afka Ruushka ee ku sugan bariga Ukraine

Ruush oo  ka digay in Moscow ay soo faragalin karto si ay u caawiso dadka ku hadla afka Ruushka ee ku sugan bariga Ukraine
____________________________________________________________________________

April 9-4-2021

Sarkaal sare oo u dhashay dalka Ruush ah ayaa ka digay in Moscow ay soo faragalin karto si ay u caawiso dadka ku hadla afka Ruushka ee ku sugan bariga Ukraine haddii Ukraine ay weerar ku qaaddo kooxaha gooni u goosadka ah ee halkaas jooga

Falaagada gooni u goosadka ah ee uu taageero Ruushku iyo ciidamada Ukraine ayaa isku hor fadhiya bariga wadankaas

Ruushka sidoo kale wuxuu dhisayay ciidamadiisa xadka uu la wadaago Ukraine.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Dmitry Kozak ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo fara gelin karaan si ay u “difaacaan” muwaadiniintooda.

Wax walba waxay ku xiranyihiin baaxada tallaabada laqaado, ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale ka digay in xiisadda sii kordhaysa ay calaamad u noqon karto “bilowga dhamaadka” Ukraine ,

Mareykanka iyo Jarmalka ayaa labaduba walaac ka muujiyey kororka xiisadaha halkaa ka jira.

Maxay u sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka?

Ruushka wuxuu kordhiyay tirada ciidamada jooga xadka Ukraine, laakiin wuxuu ku adkeysanayaa in aan loo arkin in tallaabadaas ay khatar tahay.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ee dalka Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in tirada ciidamada Ruushka ay yihiin kuwii ugu badnaa tan iyo sanadkii 2014, markaasoo colaada bariga Ukraine ay bilaabatay. Waxay ku tilmaamtay xaaladda mid “walwalkeeda leh”.

Ruushka ma uusan faah faahin tirada ciidamada, laakiin militariga Ukraine wuxuu cadeeyay dhamaadkii bishii Maarso in ilaa 20 kun oo ciidamada Ruushka ah loo wareejiyay dhanka xadka Ukraine. Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la arkayay gaadiid Ruushku leeyahay oo hub culus u wada halka xiisaddu ka taagantahay .

Isku dhacyada u dhexeeya ciidamada Ukraine iyo fallaagada Moscow taageerto ee gudaha Donbass ayaa sidoo kale kordhay bilihii la soo dhaafay.

Dhimashada askari kale oo Yukreeniyaan ah khamiistii waxay ka dhigeysaa tirada sanadkaan la diley 25. Konton ka tirsan ciidamada Ukraine ayaa dhintey sanadkii hore oo dhan.

Mucaaradka ayaa dhankooda sheegay in mid kamid ah dagaalyahanadooda ladilay isla maalintaas markii ciidamada Ukraine ay 14 madfac ku garaaceen tuulo ku taal duleedka magaalada Donetsk.

Waxyaabaha kale ee xaaladda sii hurinaya waxaa ka mid ah , Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu booqday gobolka Khamiista si uu u soo arko xaaladaha halkaa ka taagan iyo sida uu jawiga guud yahay .Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel waxay khadka taleefanka kula hadashay Mr Putin khamiistii waxayna ugu baaqday Ruushku inuu “dejiyo xiisadda” isagoo yareynaya xoojinta ciidamada.Mr Putin wuxuu ku eedeeyay Ukraine inay sii hurineyso xaaladda bariga ka taagan hadda.

Muxuu kaloo yiri sarkaalka ka tirsan aqalka Kremlin-ka?

IMr Kozak wuxuu isbarbar dhigay xaaladda ay hada ku suganyihiin gooni goosdka iyo Srebrenica, oo ah magaalada ku taal Bosnia- halkaas oo 8,000 oo rag Muslimiin ah ay ku dileen ciidamada Serbiyiinta ee Bosnia sanadkii 1995-kii.

“Haddii, sida uu yiri madaxweynaheenna, halkaas ay ku taal Srebrenica, waxaa laga yaabaa inaan u tagno difaacooda,” ayuu yiri Mr Kozak. Waa ku-xigeenka madaxa maamulka madaxtooyada Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horreysay soo jeediyay sanadkii 2019-kii in dadka ku hadla luuqadda Ruushka ay la kulmi karaan xasuuq la mid ah kii Srebrenica haddii Ukraine ay dib ula wareegto gacan ku heynta Donbass isla markaana aan damaanad qaad lahayn. Mr Kozak ayaa isna sheegay in fallaagadu ay iska difaaci karaan haatan ciidamada Ukraine.

Maxaa sal u ah xiisadaan taagan?

Asalka khilaafka hadda jira wuxuu dib ugu laabanayaa bishii Maarso ee sanadkii 2014-kii markii Ruushka uu sheegtay gobolka Yukreeniyaan ee Crimea.

Tallaabadaas ayaa dhalisay khilaaf weyn oo kala dhaxeeyay wadamada reer galbeedka, taasoo abuurtay in Midowga Yurub iyo Mareykanka ay cunaqabateyn saaraan Ruushka.

Wadamada reer galbeedka iyo Nato waxay ku eedeeyeen Ruushka inuu ciidan u diray xadka Ukraine, laakiin Ruushka wuu dafiray arrintaa.Madaxweynaha Ukraine Zelenskiy ayaa markii xukunka lawareegay wuxuu balan qaaday inuu nabadda ka shaqeeynayo, waxaana labada dhinac ay kala saxiixdeen xabad joojin bishii Juuly ee lasoo dhaafay. Labada dhinacba wixii intaa ka dambeeyay midba midka kale wuxuu ku eedeeyay inuu sameeyay xadgudub. Colaadda halkaa ka jirta waxaa lagu qiyaasay dadka ku dhintay inay gaarayaan 14,000 oo qof.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post