1044 Views

Shekh shariif “Prof Gaandhi waxaan is barannay 2006 xilligaas oo uu ka shaqeynayay dhex-dhexaadinta Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Shekh shariif “Prof Gaandhi waxaan is barannay 2006 xilligaas oo uu ka shaqeynayay dhex-dhexaadinta Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf
____________________________________________________________________________

April 18-2021

Madaxweynihii hore ee somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sacsi u diray  wasiirkii hore ee  gaashaandhigga dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee uu madaxweynaha ka ahaa  Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ay soo wada shaqeeyeen Gaandhi ayaa ka tacsiyeeyey geeridiiisa. “Waxaan shacbiga Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo geerida Prof Maxamed Cabdi Gaandhi oo ay isoo gaartay inuu ku geeriyoodey dalka Faransiiska,” ayuu yiri.

“Prof Gaandhi waxaan is barannay 2006 xilligaas oo uu ka shaqeynayay dhex-dhexaadinta Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN iyo Midowga Maxaakiimta. Wuxuu kamid noqdey isbahaysigii dib u xoreynta ee Asmara, isagoo Dowladdii aan Madaxweynaha ka ahaana kasoo noqdey Wasiir.”

“Prof hadda wuxuu kamid ahaa Madasha Xisbiyada Qaran oo uu guddoomiye ku-xigeen ka ahaa, iyo Midowga Musharaxiinta wuxuu ahaa odey Soomaaliyeed oo dalkiisa usoo shaqeeyey, wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed, isagoo sidoo kalena qayb ka ahaa dhismihii dowlad goboleedka Jubaland.”

Sidoo kale Waxa u mudod dheer ku noolaa dalka Faransiiska. Waxa uu ahaa 72 sano jir marka uu geeriyooday.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post