831 Views

Farmaajo iyo Fahad oo dagaal hoosaad ku haya Raysal Wasaare Rooble! RW Rooble.

Farmaajo iyo Fahad oo dagaal hoosaad ku haya Raysal Wasaare Rooble! RW Rooble.
____________________________________________________________________________

Isniin: December 20, 2021

 Farmaajo iyo Fahad oo dagaal hoosaad ku haya Raysal Wasaare Rooble! RW Rooble ayaa waajahaya dagaal hoosaad fara badan oo uga imaanaya dhanka Villa Soomaaliya gaar ahaan garabka Madaxweynaha Waqtigu ka dhammaaday ee Farmaajo. Illo Xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyay in Farmaajo iyo Fahad ay ku howlan yihiin sidii loo sumcad dili lahaa RW Rooble oo hadda hormuud ka ah arrimaha doorashooyinka dalka maadama wax walba oo arrimahaas ku saabsan ay banaan joog ka yihiin. Waxaa maanta fashil ku yimid qorshe la rabay in kala shaki looga dhax abbuuro Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed taas oo ku aaddan in garab istaag loogu muujiyo Guddigii Xallinta Khilaafaadka ee uu kala diray RW Rooble, Warqaddaas oo markii danbe la ogaaday in laga soo qoray dhex qoray xafiiska Farmaajo. Hadda waxaa bilaawday qorshe cusub oo lasoo dhax marsiiyay Taliyaha Ciidamada Badda ee Soomaaliyeed Cabdixamiid Maxamed Dirir kaas oo la rabo in RW Rooble dusha laga saaro eeda dhul intii uusan xafiiska imaan laga saxiixay xafiiska Farmaajo. Haddaba, Farmaajo iyo Rooble mar kale yaa reyn doona?

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post