1467 Views

Hirshabeelle oo yeelanaysa Ciidimadii ugu horeeyay oo Boolis ah

Hirshabeelle oo yeelanaysa Ciidimadii ugu horeeyay oo Boolis ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 26, 2019 —Wasiirka wasaaradda amniga maamulka Hirshabeele Cabdiqaadir Aadan Jeelle oo la hadlayay ciidamo Booliis ah oo uu tabar uga socdo magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin ciidamadii ugu horeeyay oo booliis ah ee uu yeesho maamulka Hirshabeele.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ciidamadaan ay tiradoodu gareeyso kudhawaad 200 oo askari dhawaana loosoo gabagabeynayo tababarka.

Ciidamada ayuu kula dardaarmay hadii ay tababarka dhameystaan in ay shacabka ugu addeegaan waxyaabihii lasoo baray, ayna heli doonaan xuquuqdooda.

waxa uu intaa ku daray in ay xareen doonaan dufcad kale oo cusub markii ay xerada tababarka kasoobaxaan 200 ee askari ee hada tababarka heerka gabagabada uu umaraayo.

Mamulka Hirshabeele malahan ciidan boolis oo u gaar ah cidamadaan ayaana noqonaya kuwii ugu horeeyay oo ay sameysato kuwaa oo ka shaqeyn doono amaanka deeganada maamulkaasi.

Wasiirka wasaaradda amniga maamulka Hirshabeele Cabdiqaadir Aadan Jeelle oo la hadlayay ciidamo Booliis ah oo uu tabar uga socdo magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin ciidamadii ugu horeeyay oo booliis ah ee uu yeesho maamulka Hirshabeele.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ciidamadaan ay tiradoodu gareeyso kudhawaad 200 oo askari dhawaana loosoo gabagabeynayo tababarka.

Ciidamada ayuu kula dardaarmay hadii ay tababarka dhameystaan in ay shacabka ugu addeegaan waxyaabihii lasoo baray, ayna heli doonaan xuquuqdooda.

waxa uu intaa ku daray in ay xareen doonaan dufcad kale oo cusub markii ay xerada tababarka kasoobaxaan 200 ee askari ee hada tababarka heerka gabagabada uu umaraayo.

Mamulka Hirshabeele malahan ciidan boolis oo u gaar ah cidamadaan ayaana noqonaya kuwii ugu horeeyay oo ay sameysato kuwaa oo ka shaqeyn doono amaanka deeganada maamulkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment