1011 Views

Ciidamada Itoobiya oo heegan uggu jira sidii ay ku difaaci lahaayeen wabiga nile

Ciidamada Itoobiya oo  heegan uggu jira sidii ay ku difaaci lahaayeen wabiga nile
____________________________________________________________________________

Isniin: July 5, 2021

Ciidamada Itoobiya, ayaa sheegay iney heegan buuxa uggu jiraan sidii ay ku difaaci lahaayeen wajiga labaad ee buuxinta biyo xireenka aadka u weyn, ee wabiga nile-ka, sidaasi waxaa qorteywarbaahin taageerta dowladda.

Gen Asrat Denero, oo ah madaxa qeybta Metekel ee gobolka Beninshangul Gumuz, halkaasoo uu ku yaallo biyo xireenka, ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen saacad waliba buux samidda biyo xireenka.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa kala soo baxey ciidamada gobolka Tigray toddobaadkii hore, si uu waqti uggu helo sida uu sheegay arrimaha kale ee dowladdiisa mudnaanta u leh.

Itoobiya ayaa sheegtay iney qorsheyneyso iney buuxiso biyo xireenka, inkastoo ay taasi cabasho ka muujiyeen dalalka Sudan iyo Masar, iyagoo ka cabsi ka qaba in talaabadani ay hoos u dhigto qeybta ay ka helaan qulqulka biyaha wabiga Nile-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post