1056 Views

Jubbaland oo soo bandhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab

Jubbaland oo soo bandhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2019–Taliska Hay’adda Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay soo bandhigeen Nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,balse isku soo dhiibay Ciidamada Jubbaland.

 

Saraakiisha Hay’adda ayaa Ninka Magaciisa waxaa ay ku sheegeen Rayaan Shiikh Nuuur ,balse  Shabaabka dhexdooda  looga yaqaano (Abuu Xamsa),isla markaana uu ahaa madaxii u qaabilsanaa dhanka gaadiidka Gobolka Jubbada Hoose.

 

 

 

Saraakiisha Nabadsugida Jubbaland ma bixin faah faahin intaasi dheer,hayeeshee ay sheegeen in Ninkaasi uu kamid ahaa mas’uuliyiinta Ururka Al-Shabaab ee ka howlgeli jiray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose iskuna soo dhiibay Ciidamada Jubbaland.

 

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin oo ku aadan Ninkaan ay soo bandhigtay Nabadsugida Jubbaland,kaas oo lagu sheegay in uu ka tirsanaa Xubnaha Sar sare ee Al-Shabaab.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment