3552 Views

Madaxweyne Farmaajo iyo xafladii xiritaanka kalfadhigii 4aad ee golaha shacabka !

Madaxweyne Farmaajo iyo xafladii xiritaanka kalfadhigii 4aad ee golaha shacabka !
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2019 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sannadkan cusub ay xukuumaddu xoogga saarayso dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulka ay haystaan cadawga argagaxisada Alshabaab, kuwaas oo u taagan dibindaabyada iyo dabar-goynta shacabka aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka shaqayn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment