1332 Views

Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Iska Dhiibay Jubada Hoose Oo La Soo Bandhigay

Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Iska Dhiibay Jubada Hoose Oo La Soo Bandhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 20, 2019–Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo Bandhigtay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab,kaasi oo shalay isku dhiibay ciidanka Xoogda Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo ku sugan deegaanka Baar-sanguuni oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

 

Jubbaland ayaa sheegtay in Sarkaalkan uu ka yimid degmada Jamaame ee Jubada hoose,isla markaana lagu magacaabo Sharma’arke Cabdinaasir Axmed kana tirsanaa Al-shabaab mudo 10-sano.

“Magaceygu sedexaad waa Sharma’arke Cabdinaasir Axmed oo Alshababa u qaabilsanan qeybta jugta culus,ilaahay ayaa is oo bad baadiyay jid dheer ayaan soo marey,ciidamada Jubbaland iyo kuwa Federaalka ayaa i soo dhaweeyey,si fiican ayaa la ii soo dhaweeyey,marka umadda muslimiinta ah waxaan ka dalbanayaa cafis,maadaama bil ramadaan lagu jiro”. Ayuu sharma’arke.

 

Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Nuur Mooge ayaa fariin u diray dhalinyarada ka tirsan Alshabaab kujirta,isagoo ku ammaanay sharma’arke go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatay in uu ka soo boxo Alshabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment