306 Views

Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ku biiray howlgallada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda degmada Baxdo Gobolka Galgaduud.

Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo  ku biiray howlgallada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda degmada Baxdo  Gobolka Galgaduud.
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 27, 2022

Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa maanta ku biiray howlgallada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda deegaanada hoos taga degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Howlagalladaan oo xoogeystay maalimihii lasoo dhaafay ayaa waxaa maanta jiida hore warbaahinta kula hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

Horay deegaanadaas waxaa u joogay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye iyo saraakiil ciidan oo Xasan Jaamici uu ku jiro.

Xildhibaan Gurey Geesey oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug, isla markaana hoggaaminayey masuuliyiinta maanta gaartay jiida hore ayaa soo tiriyey dhowr deegaan oo kooxda laga xoreeyey.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in deegaanada la xoreeyey ay soo kormeereen, balse ay soo arkeen in dadkii iyo duunyadii ku noolaa ay guryahooda ka xaqeen, si ay naftooda u badbaadsadaan.

Xildhibaan Gurey ayaa dadka ka qaxay deeganada laga saaray Al-Shabaab wuxuu ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda, isla markaana ay ka qeyb qaataan difaaca deegaanadooda.

Waxaa sii kordhaya masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee maalmahaan gaarayey jiida hore ee dagaal, gaar ahaan gobolkaan Galgaduud oo abaabul iyo guluf dagaal oo xoog leh uu ka socdo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post