345 Views

Askari u dhashay Uganda oo Soomaaliya ku dilay saddex sarkaalToogashada oo ka dhacday xarunta ugu weyn ee ciidamada Uganda

Askari u dhashay Uganda oo Soomaaliya ku dilay saddex sarkaalToogashada oo  ka dhacday xarunta ugu weyn ee ciidamada Uganda
____________________________________________________________________________

Talaado: January 3 2023

Waxaa socda baaritaanno la xiriira askari ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) uu subaxnimadii Isniinta ku dilay saddex ka mid ah ciidamadaasi.

Toogashada ayaa ka dhacday xarunta ugu weyn ee ciidamada Uganda. Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye ayaa BBC u xaqiijiyay dhacdada iyo xariga askariga.

Waxaa la sheegay in uu ku kacay fal dil ah oo uu ku toogtay saddexda askari. Ciidamada ayaa markii hore mooday in saldhigooda la soo weeraray.

Dhibbanaha labaad ayaa saddex xabbadood lagaga dhuftay madaxa, isagoo isku dayayay inuu ogaado waxa dhacaya, halka kan saddexaadna dhabarka laga toogtay isagoo isku dayay inuu baxsado.

Waa dhacdadii ugu horreysay oo muddo dhowr sano ah ka dhacda Soomaaliya oo ay ku lug yeeshaan ciidamada Uganda.

Dhacdo tan la mid ah ayaa dhacday sanadkii 2019-kii markii kabtan u dhashay dalka Uganda uu is dilay ka dib markii uu toogasho ku dilay saaxiibkiis.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post