942 Views

Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo shabaab kula dagaalamay galbeedka Kismaayo.

Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland  oo shabaab kula dagaalamay galbeedka Kismaayo.
____________________________________________________________________________

June 14 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka aya howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Deegaannada ay ciidamada howl galka ka fuliyeen waxaa ka mid ah Golashimbi, Beerxaani, Labikuus, Cabdi Dhoore iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay intii uu howlgalku socday in ay khasaare u geysteen kooxda ee Al Shabaab.

Sidoo kale waxay ciidamadu mid mid u baareen goobihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, iyagoona sheegay in ay isaga baxeen markii ciidamada soo galleen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post