984 Views

Wasiirka Boostada Soomaaliya oo Maanta shir ka furaya Baydhabo

Wasiirka Boostada Soomaaliya oo Maanta shir ka furaya Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 13, 2019 —Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Maanta oo Talaado ah la filayaa in uu ka furmo shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Wasaaradaha Boostada & isgaarsiinta ee Feer federaal iyo Heer Dowlad goboleed.

 

Shirka ayaa la filayaa in uu furo Wasiirka Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Xukuumadda Eng, Cabdi Canshuur Xasan oo shalay gaaray Magalada baydhabo,waxaa sidoo kale halkaasi ku sugan dhamaan Wasaaradaha Boostada & Isgaarsiinta ee Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Xukuumadda Eng, Cabdi Canshuur Xasan  ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid looga tashanayo Arrimaah Isgaarsiinta iyo sidii loo dabooli lahaa baahida dhinaca Isgaarsiinta ah oo ay qabaan Bulshada Soomaaliyeed,isla markaana ay nasiib u yeelatay in lagu qabto Magalada Baydhabo.

 

Wasiirka  Boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Sheekh Cadde ayaa sheegay in uu rajeynayo in Shirka ka furmaya Magalada Baydhabo uu noqdo mid ay kasoo baxaan waxyaabo dan u ah Shacabka Soomaaliyeed.

 

Shirkaan la qorsheynaayo in Maanta uu ka furmo magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu daba socdaa shir sanadkii hore ka dhacay magaalada muqdisho oo looga hadlayey arimaha isgaarsiinta dalka kaasi oo ay ka  qeyb galeen dhamaan Wasiirada Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Maamul goboleedyada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment