1077 Views

Wasiir Gaashaandhigga XFS: “Xarumaha Militariga waxaa laga hirgelinayaa Booliiska u tababaran qaabka Militariga”.

Wasiir Gaashaandhigga XFS: “Xarumaha Militariga waxaa laga hirgelinayaa Booliiska u tababaran qaabka Militariga”.
____________________________________________________________________________

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji waxa uu sheegay in lasoo gaba-gabeeyay qorshe Wasaaraddiisa ay ku hirgelineyso Ciidamada Booliiska ee qaabka Militariga u tababaran si ay uga howlgalaan Xarumaha Ciidanka Xoogga.

Keliya howshaan waxa uu sheegay in laga hirgeliyay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga balse qorshaha cusub ayaa dhigaya in la kordhiyo ciidankaas oo diyaarintooda gacan uga helayaan Beesha Caalamka.

“Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo ku xigeennadiisa ayaa ku howlan hirgelinta Ciidamada Booliis Militaare oo keliya haatan ka howlgala Madaxtooyada & Wasaaradda Gaashandhigga, Ciidankaan waxa aan ugu talagalnay in la dejiyo goobaha Militariga iyo AMISOM ay qabsadaan si ay ugu sii dhaqaaqaan goobo cusub” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu tilmaamay in la diyaariyay shuruucda loo marayo diyaarinta ciidankaan, sharciga lagu hagayo iyo Anshaxa ciidanka si howshaan u fududaato.

Qorshahaan ayaa qayb ka ah tallaabooyin loo dejiyay xaaladda kala guurka ah ee bixintaanka Askarta Midowga Midowga Afrika ee AMISOM si Ciidamada Federaalka loo tijaabiyo in ay la wareegi karaan mas’uuliyadda sugidda amniga Dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post