795 Views

Ciidamada degmada Dayniile oo xalay Gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle dilay ka Gudoomiyihii Waaxda shanaad

Ciidamada degmada Dayniile oo xalay Gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle dilay ka Gudoomiyihii Waaxda shanaad
____________________________________________________________________________

Talaado:  June 22 2021

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah saddex nin oo xalay degmada Dayniile, gaar ahaan agagaarka Aargada ku dilay Gudoomiyihii Waaxda shanaad ee Kurdamac, Cabdi Cabdulle Cismaan (Juge).

Ninkan la qabtay ayaa isku dayay in uu baxsado, hase yeeshe ciidamada oo eryaday ayaa dhaawacay ninkan hubeysnaa, kaddibna gacanta ku dhigay isaga oo watay biskooladii uu dilka ku geestay.

Sidoo kale Xoghayaha degmada Dayniile Mahad Shiraawe ayaa VOA u sheegay in kooxda Al-shabaab ay dambeysay dilkan, wuxuuna intaas ku daray in ay uu socdo baaritaan dheeri ah, isla markaana ay ku raadjoogaan xubnihii kale ee ku lugta lahaa qorshaha dilka Cabdi Juge.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post