381 Views

Gabadh reer Brazil ah oo go’aansatay in xafladda arooskeedu ay sii socoto inkastoo ay dhacday dabna uu qabsaday diyaaraddii quwaamitaga u kacaysay.

Gabadh reer Brazil ah oo  go’aansatay in xafladda arooskeedu ay sii socoto inkastoo ay dhacday dabna uu qabsaday diyaaraddii quwaamitaga u kacaysay.
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 21, 2022

Gabadh reer Brazil ah ayaa go’aansatay in xafladda arooskeedu ay sii socoto inkastoo ay dhacday dabna uu qabsaday diyaaraddii quwaamitaga u kacaysay ee keentay goobta ay xafladdu ka dhacaysay.

Diyaaradda ayaa waday caruusadda, sawir qaade iyo wiil ay qaraabo yihiin oo lix jir ah.

Duuliyaha ayaa isku dayay in uu ku soo dago barxaddii goobta uu aroosku ka dhacayay balse saynta ama qaybta dambe ayay ku dhufatay dhisme.

Diyaaradda ayaa soo dhacday iyada oo toban mitir dhulka ka sarraysa, laakiin duuliyihii iyo rakaabkii ayaa baxsaday ka hor intii uusan qarxin taangigii shidaalka ee diyaaradda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post