522 Views

Waddan sheegay in uu tababarayo cidamada Ukraine

Waddan sheegay in uu tababarayo cidamada Ukraine
____________________________________________________________________________

Talaado: May 24, 2022

Wasaaradda gaashaandhigga ee Kolombiya ayaa sheegtay in ay koox askarteeda kamid ah geyn doonta Yurub si ay u tababaraan ciidamada Ukraine qaabka loo hortago miinooyinka.

Wasiirka gaashaandhiga Kolombiya Diego Molano Aponte ayaa bartiisa Tweet-ka ku sheegay in kow iyo toban injineer oo militariga Kolombiya ah ay tagi doonaan dal aan la shaacin, oo daris la ah Yurub – kaas oo xubin ka ah gaashaanbuurta NATO – si ay u tababaraan qaar ka mid ah askarta Ukraine hababka iyo xeeladaha ee loo saari karo miinooyinka iyo walxaha kale ee qarxa.

Kolombia ayaa waxay kamid tahay wadamada ugu badan ee ay ku aasan yihiin miinooyinka, dhimasho iyo dhaawaca ka dhasha walxaha qarxa ayaana weli caadi ah, kadib dagaal tobanaan sano socday oo u dhaxeeyay dowladda iyo kooxaha hubeysan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post