3567 Views

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

____________________________________________________________________________

President-1-174x131Muqdisho, 26 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho saddex maalmood ah ugu ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo New York ka qeybgeli doona furitaanka doodaha Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, shir gaar ah oo heerkiisu sareeyo oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya oo dhacaya maalinta Isniinta ee 28-ka bisha September, iyo shir madaxeed uu Madaxweyne Barack Obama martigelinayo, kaas oo looga hadlayo ka hortagga argagixisada iyo kooxda ISIS oo dhacaya 29-ka bisha September.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda caalamka oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment