780 Views

Somalida Kenya oo lacago milayin dolar ah looga dhacay Applicationka CASH24 .

Somalida Kenya  oo lacago milayin dolar ah looga dhacay Applicationka CASH24 .
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Waxaa Magaalada Nairoibi gaar ahaan xaafada Somalida dagto ee islii bilihii la soo dhaafay aad looga isticmaalayay barnaamij laga galo internetka oo lagu magacabo Applicationka CASH24, waxaana ugu danbayn Somali badan looga dhacay lacag Milayin dolar ah.

Guddiga gancsatada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa aad uga walwalsan kooxo burcad dhanka Internetka ah, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay lacag badan ka dhacay soomaalida ku nool dalka Kenya, iyagoo guddiga suuqa Islii ugu baaqay bulshada Soomaalida inay ka feejignaadaan burcadda Internetka.

Sidoo kale Arrintan ayaa imaanaysa kumanaan qof oo ku nool magaalada Nairobi ay wali dhibbaneyaal u yihiin adeegga ama Applicationka CASH24 kaas oo la goostay lacago badan oo ay leeyihiin dad badan oo Kenyan ah oo ay Soomaali badana ku jirto.

Dhinaca kale Culumo soomaliyeed ayaa aad uga hadashay barnaamijkaan Applicationka CASH24 , iyaga oo ku sifeeyay waxa laga helo in ay xaaraan tahay, waxaana ka mid ah Culumada ka hadashay shekh Maxamed Cabdi Umul oo ka mid ah Culumada Nairobi gaar ahaan kuwa aadka loo qadariyo somalida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post