1449 Views

Gabadh ayeeyadeed sun ku dishay duleedka Kismaayo

Gabadh ayeeyadeed sun ku dishay duleedka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | November 23, 2018–Wararka naga soo gaaraya  Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland waxa ay sheegayaan in Gabadh da’adeeda 15-Sano jir, laguna Magacaabo Naciimo bashiir ay Ayeydeed ku sumeysay degaanka Goobweyn oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo.

Ayeeyda la sumeeyay ayaa  lagu Magacaabi jiray Dahabo Maxamed, waxana sunta loogu daray Raashinkii Cashada.

Guddoomiyaha degaanka goobweyn Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaan xanuunka badan ee ka dhacday degaankaasi.

Sunta ayaa Gabadha xalay kasoo iibisay Goob Ganacsi oo ku taalla deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubabda Hoose,waxaana sida la sheegay ay suntan aheyd mida loo Isticmaallo beeraha ee lagu dilo Cayayaanka.

Dhacdooyinka Nuucaan ayaa ah kuwo Dhif iyo Naadir ah oo ka dhaca Soomaaliya, waxaana la dhowrayaa Baarista Ciidamada Dambi baarista Jubbaland ay kasoo saaraan Kiiskaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment