1956 Views

Wararkii ugu dambeeyay Codbixinta doorashadda Turkiga oo loo dareeray

Wararkii ugu dambeeyay Codbixinta doorashadda Turkiga oo loo dareeray
____________________________________________________________________________

Muqdisho , 24 Juunyo, 2018:–Shacabka Turkiga ayaa Goor dhow u dareeraray cod bixinta doorashada dalkaasi ka dhaceyso ee laga soo hormariyey xilligeeda.

Waxaa ay  shacabka turkiga ay codbixinta ay maanta u dareereen ay ku dooranayaan madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ee dalkaasi.

Amniga Magaalooyinka waa weyn ee dalka Turkiga ayaa si weyn loo Adkeeyay.

Doorashadan maanta ay cod bixinteeda billaabatay ayaa la filayaa inuu loollan adag uu kala kulmo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, cod bixinta doorashadan si ka duwan doorashooyinki hore isaga oo xilka madaxtinimada soo hayey mudda 15 ka sano ah.

Wuxuuna sheegay haddii uu doorashadan ku guuleysto inuu meesha ka saarayo kursiga ra’isal wasaaraha taasoo mucaaradka ku tilmaameen mid dimuqraadiyadda wiiqeyso.

Erdogan 2003 ayuu ra’isal wasaare noqday wuxuuna xilka sii hayey ilaa iyo 2014 oo madaxweynenima loo doorto.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment