588 Views

Ciidamada dowladda oo degaan kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada dowladda oo degaan kala wareegay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada 10aad qeybta 43aad ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Howlgallada ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada ay kula wareegeen degaano ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay Gobolka Gedo ayaa sheegay inay howlgalka inta uu socday ay si nabad ah kula wareegeen degaanka Tuulo Barwaaqo iyo degaano kale, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidamadka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee gobalka Gedo ka howlgala ayaa la wareegay degaanka Tuulo Barwaaqo oo kamMid ah degaanada Kooxda Al Shabaab ay ku dhibaatayn jireen shacab islamarkana oo Garbahaareey hostago.
Xarunta ay fariisimaha ku leeyihiin Al Shabab ee Kabis ayaa sidoo kale ciidamada la wareegeen iyada oo wax dagaal ah la kulmin.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen saraakiisha inay weli howlgallada sii wadayaan, ayna doonayaan inay la wareegaan degaannada kale oo ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidanka dowladda waxaa ay howlgallo ka wadeen degmada Garbahaareey iyo degaano hoostaga, halkaas oo lagu qabanayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post