957 Views

Rihanna oo loo qaaday hees raalli gelin ah ka dib markii uu dhibaateeyay saaxibkeed

Rihanna oo loo qaaday hees raalli gelin ah ka dib markii uu dhibaateeyay saaxibkeed
____________________________________________________________________________

Fannaan Eminem waxaa uu hees uu soo qaaday u adeegsay reelli gelinta Rihanna ka dib markii uu la safay saaxibkeedii hore Chris Brown kaasi sannadkii 2019-kii dhibaateeyay iyada.

Eminem oo soo qaaday hees raab ah ayaa si naxariis leh u raalli geliyay Rihanna, heestaas oo la soo dusiyay. “Waan ka xumahay Rih, ulama aanan jeedin inaan adiga kaa careeysiyo”

Zeus wuxuu ka muuqday Eminem albumkiisa layaabka leh ee Muusikada. Albamka, oo uu la socda Muusigga lagu waday in Janawari soo bandhigo ayaa la sii daayay Jimcihii.

Waqtiga la sii daayay heesta oo sanadkii hore ahayd, afhayeenka fannaan Eminem wuxuu yiri: “Heestan la soo dusiyay waxay ka weyntahay 10 sano. Eminem ka dib markii uu duubay, wuu tirtiray, dibna wuu u qoray.”

Brown wuxuu qirtay dambiga lagu soo oogay 2009-kii, wuxuuna lagu ganaaxay shan sano oo tijaabo ah iyo amar adeeg bulshada ah.

Eminem iyo Rihanna waxay isla soo saareen albamo dhowr ah oo uu ka mid yahay Love the Way You Lie.

Waa tuma Rihanna?

Rihanna waxay ka mid tahay fanaaniinta heesohooda aadka loo iibsado, oo waxa laga iibiisay ilaa 250 milyan. Waxa ay sidoo kale ku caan baxday jilidda filimaanta iyo naqshadeynta dharka.

Waxa ay ku dhalatay magaalada Saint Michael ee dalka Barbados, waxa ayna ku kortay magaala madaxda dalka ee Bridgetown

Waxa ay halkaasi ku qaadatay waqtiyadeedii da’yarta markii uu soo saare ameerikaan ah ogaanayay hay’badeeda heesaanimada, kaas oo ka caawiyay in ay ku soo biirto shaxda Mareykanka.

Sanadkii hore ayay ahayd markii waddo ay ku nooleed loo bixiyay Rihanna oo lagu sharfay.

Waxay ku guuleeystay in ay noqoto qof caan ah oo ganacsiga ku xeeldheer, sidaas darteed waxay awood u leedahay in ay door weyn ka cayaarto isbedelka waddanka Barbados.

fanaanaddan oo macagaceedoo dhamaystiran la yirahdo Robyn Rihanna Fenty, ayaa sannadkii 2018-kii loo magacaabay jaga sare oo safiirnimo ah. Shaqadeeda waxaa ka mid ah, hormarinta wax barashada, dalxiiska iyo maalgashiga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post