726 Views

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho.

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Sabti 13/2/2021

Waxaa goor dhawayd Qarax xoogan oo is miidaamin ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho. Gaar ahaan isgoysdka Sayidka oo ah bar Kontarol oo laga Galo Madaxtooyada.

Qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka oo ay bar-koontarool ku leeyihiin ciidanka amniga.

Warar hordhac ah ayaa shegaya in Qaraxan loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, kaas oo la sheegay inuu xoog ku dhaafay bar-koontarool oo ku taalla nawaaxiga hotel Dayax.

Xiligii uu qarxaayay ayaa la sheegay in ay daba socdeen Ciidamada Dowlada oo uu xoog ku soo dhaafay Bar Ciidan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan si dhab ah loo cadeyn karin, inta uu gaarsiisan yahay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post