591 Views

Dalka Hindiya oo kuleylkiisu wuxuu gaarey heer aad u sarreeya xagaagan

Dalka Hindiya oo  kuleylkiisu wuxuu gaarey heer aad u sarreeya xagaagan
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Dalka Hindiya, ayaa kuleylkiisu wuxuu gaarey heer aad u sarreeya xagaagan. Dhammaan heerarkii hore ee Xagaaga ee la diiwaan galiyey, ayaa waxey u muuqdeen mid haatan uu dhaafey kuleylka jira.

Bishii Maajo, heerkulku wuxuu gaarey 47 digrii, meelaha qaarna wuuba kasii sarreeyeyba.

Waxaa lagu qiyaasay in ugu yaraan sagaashan qof ay ku dhinteen dalalka Hindiya iyo Pakistan, mawjadaha kuleylka jira awgood.

Waxaa jiray marar kala duwan oo uu dab ka Kacey keymaha.Dalaga sarreenka, ayaa sidoo kale waxyeello soo gaartey.

Heerkulka aad u sarreeya, ayaa waxaa loo aaneynayaa isbeddelka cimilada adduunka. Dowladda Hindiya, ayaa dooneysa in dalalka qaniga ah ay ka caawiyaan u tabaabushaysiga xaaladaha xun ee cimilada ee soo fool leh.

Dowladda, ayaa si gaar ah u dooneysa in la abuuro xarunta ka hortagga masiibooyinka, si aaney waxyeello usoo gaarin dalaga. Sidoo kale, waxaa soo baxdey su’aal ah in ay sii adkaaneyso ku noolaanshaha dalka Hindiya, kuleylka sii kordhaya awgiis?

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post