924 Views

hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Qodobo ka soo saartay shirka ka socda Teendhada Afisiyooi

hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Qodobo ka soo saartay shirka ka socda Teendhada Afisiyooi
____________________________________________________________________________

May 24 2021

Majmaca hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadashay shirka kia socda Muqdisho maalintii sadaxaad, waxayna ku baaqday in shirka wada-tashiga qaran ee haatan magaalada Muqdisho uga socdo madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka, in uu Noqdo mid miro dhala.

Kulan ay isugu yimaadeen Majmaca hay’adda Culimada Soomaaliyeed  Xaruntooda Muqdisho ayaa waxay fariin gaar ah u direen hoggaamiyeesha Soomaaliya ee ku shirsan Teendhada Afisyoone.

Sidoo kale culimada Soomaaliyeed ayaa bayaankooda ku sheegay in loo baahan yahay in la dhowro xasiliinida dalka, gaar ahaan amniga qaranka..

Halkan hoose ka aqriso:-

1: Waxaay Culimada soo dhaweeynayaan Shirka Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ee uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Alle ka baryeen in Shirka uu guuleysto.

2: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxay is xasuusinayaan ammaanada cirka iyo dhulka iyo Buuraha diideen ee rabi u dhiibay siyaasiyiinta Soomaaliyeed loogana baahan yahay inay dhowraan.

3: Waxay adkeeynayaan Culimada in go’aanka doorashada lagu saleeyo Diinta Islaamka sida Cadaalada hufnaanta lagana fogeeyo dhamaan nuuc kasta uu yahay dulmiga iyo musuq maasuqa.

4: Waxaay ugu baaqeynaa Umadda Soomaaliyeed Midnimo, waxaana u mahad celinayaan cid kasta oo gacan ka geeysatay hirgelinta iyo qabsoomida Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashada Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post