276 Views

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo saakay fashiliyay Qarax lala damacsanaa in Lagu dhibaateeyo muwaadin Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo  saakay fashiliyay Qarax lala damacsanaa in Lagu dhibaateeyo muwaadin Soomaaliyeed.
____________________________________________________________________________

Sabti: 19 Nofembar 2022

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed qeybta gobolka Banaadir ayaa saakay fashiliyay Qarax lala damacsanaa in Lagu dhibaateeyo muwaadin Soomaaliyeed.

Ciidanka booliiska ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax Khawaarijtu doonayeen in ay ku dhibaateeyaan muwaadin Soomaaliyeed, afhayeenka booliiska gaashaanle Sadiiq Duudishe ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in aysan cidna wax ku noqon qaraxa.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo miino oo lagu xidhay Gaadhi Surf ah, kaasi oo uu lahaa qof shacab ah. Ciidanka Boliisku waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagarta ay la damacsanaayeen Cadawgu inay ku waxyeeleeyyaan muwaadinkaas oo hada bad qaba,” ayuu ku yiri qoraal.

Ciidamada Amniga ayaa xiray dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha, si looga fogaado waxyaallo ka soo gaari karta shacabka ka ag dhawaa goobta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post