1842 Views

Madaxweynaha Dalka Yemen Oo Sheegay Inuu Dalkiisa Khatar Ugu Jiray Inuu La Mid Noqdo Somalia

Madaxweynaha Dalka Yemen Oo Sheegay Inuu Dalkiisa Khatar Ugu Jiray Inuu La Mid Noqdo Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | july 19, 2018 –  Madaxweyne C/rabu Mansuur Haadi oo Laanta Afka Carabiga ee Idaacadda BBC-da kula hadlay magaalladda Cadan waxa uu sheegay haddii aysan Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga soo fara-gelinin dalkiisa inay la mid noqon lahaayeen Xaalladda ay Somalia haatan ku sugan tahay.

Madaxweyne C/rabu waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Laanta Afka Carabiga ee Idaacadda BBC-da, isagoo carrabka ku dhuftay haddii aysan Isbahaysiga Sacuudiga soo faragelin lahayn dalkiisa inuu dalka Yemen ka dhici lahaa Dagaallo Sokeeye, sida kan Somalia ragaadiyey tan iyo sannadihii 90-aadka ee Qarnigii hore, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Yemen waxa uu ammaanay Hawlgalka ay Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga kula jiraan Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto, wuxuuna tilmaamay inaysan Isbahaysiga la’aantooda dib loo qabsan lahayn  qeybaha ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ka maamulaan dalkiisa.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment